HASHU MA MAANSAARBAY LIQDAY !!
Dhibaato waliba waxay ummadda ku reebta hadal hayn iyo xasuus gaara ; waxase
afku juuqda gabaa marka la garanwaayo isla markaana la isweydiiyo meesha arrintu
ka socdo iyo dhinaca wax loo wado, waxay garashadu ku daashaa sidii loo maarayn
lahaa dhacdooyinka qaarkood. Jidgooyada dhagareysan ee ka dhacaday Kalabaydh iyo
Dila dhexdoodu waa mid ugub ku ah ummadda ku abtirsata dalka Somaliland; waa mid
ka baxsan Diinta Islaamka, dhaqanka Bani Aadamka; waana mid ay ka dambeeyaan dad
ujeedooyin gaar leh oo Qarannimada dalka lidi ku ah oo doonaaya in ay
curyaamiyaan isla markaana jaho habaabiyaan masiirka ummadda.
Dadkii sida xaq darrada ah ugu naf waayey jidgooyadan Ilaahay naxariistii janno
ha ka waraabiyo; qoysaskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo dhammaan
ummadda reer Somalilandna Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo.
Falka waxshinimada ah ee habeen madow lala beegsaday dadkii socoto ahaa ee
gurynoqonaayay ma aha mid lagu xidhiidhin karo muran dhuleed ee deegaanka Ceel
Bardaale ee dhowaan Guddidii Guurtidu go'aanka ka soo saartay, falkaa arxan
darida ihi wuxu gilgilay dareenka dadka reer Somaliland meel kastoy joogaanba.
Gacan ku dhiig layaasha dembigaa geysteyna waa in xukuumaddu sharciga horkeentaa
si loogu qaado ciqaabta ay muteystaan.
Go'aan qaadasha soo afjaridda mushkiladdan muddada soo jiitamaysey waa mid u
taala Madaxweynaha Md. Daahir Rayaale Kaahin maadaama Guddidii Golaha Guurtidu
tiraba seddex jeer go'aan ka soo saartay. Garnaqsi dambe oo arrinta u hadhsani
meesha ma yaal. Xeerbeegti labada dhinacba ku kalsoonyihiin ayaa muddo bil ah ka
garnaqaysey oo labada Beelood ee walaalaha ah ee deegaanka wadaaga si mug leh
dacwadohoodii dhegeysatay go'aankii oo qodobaysanna ergadii labada dhinac ee is
hayey iyo xukuumaddaba guddoonsiiyey. Markii uu dhammaaday shirkii beelaha
Somaliland ee lagu qabtay magalaada Boorama waxa jirtey in odayaasha manta isku
khilaafsan Ceel Bardaale ay is arkeen oo odayaashii dhinaca Dila ku wargeliyeen
odayaashii dhinaca Gabiley in aan haba yaraatee wax dhul ah oo laga haystaa
jirin.
Iyadoo xaalku sidaa yahay oo la sugayo fulintii go'aan kii guurtida ayaa
malintii Khamiistii 9.7.2009 waxa kulan dhexmaray 25 Oday oo ka soo jeeda
Gobolka Gabiley. Shirkaas oo socday muddo shan saacadood ka badan ayaa isagoon
dhamman warbaahinta iyo warxuma tashiilku magaalada soo geliyeen dacaayad been
abuur ah oo sheegeysa in Madaxweynuhu Odayaashii madasha kaga kacay. Arrintaasi
waxay noqotay been aan sal iyo raadtoona lahayn.
Warbaahinta Somaliland ee ku caanbaxday hurinta colaadaha sokeeye waxa kow ka ah
Idaacda Mareegta Internetka ee RadioHoryaal ee ku hadasha afka Xisbiga
Mucaaridka ah ee Kulmiye iyo mareegaha kale ee Xisbiga ee dhowaan laga caydhiyey
Dalladda ay ku bahoobeen maamulada Shebekadaha Somaliland. Wararka idaacaddaasi
baahisaa waa kuwo had iyo jeer xambaarasan dhiilo iyo naxli huursan; Horyaal waa
bartilmaameeda laga baahiyo Warar lafjab ku ah qarannimada Somaliland.
Waxa kale oo warxumo tashiilka ka mid ah dadka isku sheegaya madax dhaqmeedyo ee
madal lagu go’aamiyey xaajo la isku hayo ka kacay ee weliba sifo milgaha,
sharafta, iyo karaamada madax dhaqmeed ka reeban ku tiiraabaya aflagaadada
joogtada ah oo ku wajahan xeerbeegtidii labada dhinac ee shaqaaqadu dhemartay
igmadeen kuna heshiiyeen in ay go’aamadooda aqbalayaan.
Waxa haboon in labada dhinacba tixgeliyaan baaqyada isdabajooga ah ee ka imanaya
bulsho weynta Somaliland sida: Culimaa’uddiinta, Wax garadka, Aqoonyahanka,
Madax dhaqmeedyada, Ardeyda, iyo iwm. Baaqa Sheikh Cabdillahi Sheikh Cali Jowhar
ee uu ku tiiraabay in la soo qabto gacan ku dhiiglayaash, xukun qisaas ahna lagu
fuliyo waa arrin uu asiibay waana garasho iyo aqoon cilmi huwan. Sheikh
Cabdillaahoow waxad ogaataa dareenkaasi in aanu kelidaa ahayn ee damqashada
lagula wadaago….
Indhawayto daaf iyo
Cudur daanyo socodoo
Duulduulay baa jiray
daacuunse ma ahe
Isal tiro ma doorshuhu
Durigay abuureen
Ma ogtahay nin doorkiyo
Inta neceb dirsoocee
Darajaysa qarankiyo
Qalinkiyo dawaadiyo
Dugsiyada aqoontiyo
Inagaa ka daba tegi
Durbaankay tumayaan
Dawankaynu sidanaa
Sida danab u baabiin
Ummaddu somaliland waa ummadda bisil sida gabaygaasi kor ku sifeeyey; waa shicib
ka dhowrsan dhagar siyaasadeysan oo loogu talo galay ummad Walaalo ah in la isku
gub. Ninka isyidhaa xulad naara isugu dhiib isaga ayaa ku shufbeeli oo la hubaa.
Wuxu yidhi ninkii jirey waday oo waday, laba walba isa saaray, waxa ka muuqata
shaqaaqadan u dambeysey in aanay ka madhnayn dabin gacan shisheey soo maleegtay
oon inagu cusbayn; iyadoo tu dhexdeena ah oo la adeegsanayo.
Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Qaranka waxa amar lagu siiyey in ay
ka hawl galaan aaga shaqaaqadu ka dhacday si ay usoo afjaraan dhibaato dambe oo
dhacda. Waxa is weydiin leh Maxaa taliyaha ciidanka police ka qaranka Somaliland
iyo ciidankii laxaadka lahaa ee uu waday Boorama geeyay. Taliyaha ciidanka
police ka maxaa soo dhaafiyay meeshii shilku ka dhacay ee u baahnayd in laga
raad raaco gacan ku dhiigla yaashii falka waxashnimada ah gaystay? Wallee wax
kalaa meesha ku jira ee waa la ogaan.
Waxa iyana magaalada Boorama si deg deg ah u tegay raxan madax dhaqmeed reer
sool ah oo uu horkacayo Axmed Cabdi Xaabsade. Waxan garan laayahay socdaalkaa
sida likaha Boorama ka soo foodhacay waxa uu daaranyahay. Waxa iyana layaab iyo
amakaag noqotay markii Xaabsade iyo madaxdhaqameedkii uu la socday ay Boorame
gaadheen ee ay la kulmeen dadkii magaalada in uu si wanaagsan ugu yidhi samra oo
cidii waxan geysatay fal la mida haku kicina (wuu ajiibay oo si wanaagsan buu
isha uga riday), laakiin hadalkii uu daba dhigay ayaan isna meesha qaban oo wax
kale lagala soo dhex bixi karaa, markuu yidhi sidooda ha yeelina? Cida uu u
jeedaa waa ayo? Mu wuxuu ogyahay cida danbigan geysatey? Hadii uu ogyahay dadka
ha u sheego si sharciga dalka loogu qaado oo danbigaa wuxuushnimada ah ee ay ku
kaceen looga gooyo. Hadii kale miyaanay ahayn in uu cid
ku riixayo eeda, isaga oo aan hubsan halka ay ku araarto arintu iyo cidii ay ku
cadaato labadaba. Waxaan lee yahay Xaabsade “Hubsiimo Hal Baa La Siistaa”.
Dab iyo Gaas uma baahna arintaniye, iyada oo aan la hubsan yaan cidna eeda la
saarin.
Gunaanadkiii:
Xal kama danbeysta ah oo soo afjara dhibaatada Ceel Bardaale:
1. Waa in xukuumaddu toos u fulisaa go’aamadii Guurtidu ee kama dambeysta aha;
2. Waa in gacan ku dhiiglayaashi afarta qof dilay sida ugu dhakhsaha badan
sharciga loo horkeena, lana mariyaa ciqaabta ay muteystaan;
3. Waa in madax dhaqmeedyada colaadda hurinayaa ka waantoobaan waxyaabaha ay
warbaahinta ku fidinayaan;
4. Waa in warbaahinta si dadban iyo si toos ah u tebinaysa warxumu tashiilka
xukuumaddu ka qaada talaab sharci ah oo ku haboon.
5. Waa in laga waantoobo Mudaaharaad qiiradaysan oo qabyaaladaysan oo lagu wiiqo
Qaranimda Somaliland. Qofka calanka Somaliland diidaya eek ii Somalia la soo
baxayaa, miyaanu arkay dabka ka holcaya Muqdisho. Nabada aan haysano aan inaga
oo isku duuban wada illaashano, cidii isku dayda in ay wiiqdana inaga oo isku
duuban aan meel uga soo wada jeedsano.
Ma qabato umada reer Somaliland in masiibo cid geysatay aan weli xataa lahayn,
oo dhibteedu Somaliland oo dhan ay isku si u taabanayso, tiiranyana umada
Somaliland oo dhan ku beertay, in walaalaha reer Boorame yidhaahdaan waxaan ku
mudaaharaadaynaa Somaliland. Marka magaaladii Madaxweynuhu ka soo jeeday ku
mudaaharaado Somaliland kuwa aan xataa wasiir ku lahayna maxaad ka fili? Khalad
waa dhici karaa, waanu dhacay mid waliba fool xun baa dhacay, ta inoo taalay
kuligeenba waxay ahayd, danbigan yaa geystay? In loo wada tacsiyadeeyo ehelkii,
qaraabadii, iyo qaranka Somaliland oo dhan. Laakiin in gacan ku dhiigleyaal
danbi ay geesteen qarankii oo dhan dabigooda lagu wax yeeleeyo waa arin aan
iyana qaban umada reer Somaliland. Illaahay waxaan ka baryayaa in gacanku
dhiiglayaashaa socotada aan danbiga geysan sida waxashtinida ah uula macaamilay
in la soo qabto. Kii qariya iyo kii u gargaaraana danbigaa if iyo aakhiraba wuu
la qabaa.
Long Live Somaliland
Ducaale Warsame
ducaalewarsame@...